Qaraxyo Iyo Toogasho Xalay ka Dhacday Gudaha Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari ee Kiinya.by
War murtiyeed manta ka soo baxay Safaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee magalada Muqdisho aya lagu beeniyay Hadalo dhawan ka soo yeeray Sarakiisha Xarakada Shabab.
War Murtiyeedkan oo uu ku saxiixna sii hayaha Safaradda Jabuuti ee Soomaliya ayaa si kulul u beeniyay warar hore uga soo baxay Mamulka Xarakada Shabab kazoo sheegayay in Ciidamada Jabuutiyanku ay ka danbeeyeen duqeyntii dhawan loo gaystey Masjidka hiddaya ee Degmada Heli waa ee magalada Muqdisho.
Warkan qoraalka ee safaraddu soo sartay aya lagu sheegey in Ciidamada Jabuutiyanka ee qaybta ka ah hawl galka amisom ayan wax duqeyn ah u gaysan Masjidka la sheegayo isla markana Ciidamada dalkas ka socda ay u yimaadeen sidii ay u caawin lahayeen dadka soomaliyeed.
War murtiyeedka aya sidoo kale lagu soo qaday Ciidamada jabuutiyaanka eek u sugan gudaha magalada Muqdisho tasoo la sheegey in weliaysan helinba ciidamadu fariisin rasmi ah welina lagu hawlan yahay sidii sal dhig ama farriisin loogu samayn lahaa Ciidamada Jabuuti.
Warkan ka soo baxay Safaradda Jabuuti ee magalada Muqdisho aya lagu sheegey in dadka hadaladaas soo weriyay in ay ka leeyihiin Ujeeddo gar ah wa sida warka ku qorane gar ahaana Idaacadaha Muqdisho oo la sheegey in warkan ay buun buuniyeen .
War murtiyeedkan ka soo baxay sii hayaha Safaradda Jabuuti ee Soomaaliya aya ku sheegey wararaka noocas ah in ay yihiin kuwo lagu doonayo in la isku diro labada shacab ee walalaha ah isla marakana loo abuuro Cadawad shacabka Soomaliyeed ay u qadan Shacabka Jabuuti.
Dhawan ayay ahayd markii sarakal u hadlay Xarakada Shabab uu si gar ah farta ugu fiiqay Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawl galka amisom in iyagu ay ka danbeeyeen duqeyntii loo gaystey Masjidka Hiddaaya halkaso lagu dilay wadaad ka tirsanaaa Tabliiqa halka qaar kalena lagu dhawacay.
Si kastaba hadalkan ka soo baxay Safaradda Jabuuti ee dalka Soomaliya aya noqonaya kii u horeeyay ee Xukuumadda Jabuuti ay kaga hadasho Ciidamadooda ku sugan Soomaliya oo durbaba ay soo baxeen Eedeeymo loo soo jeedinayo.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Barlamnaka Oo Shirkii Shalay Xubno Barlanka ka Tirsan ay ku Yeesheen Muqdisha Fowdo ku Tilmaamay
Diyaaraddii Uu Horeysey Oo Hay’adda WFP Shixnad ay Ku Siddo Oo Xilli Dhow Ka Soo Degatay Garoonka Diyaradaha Magaalada Muqdisho.