Deprecated: mysql_connect(): The mysql extension is deprecated and will be removed in the future: use mysqli or PDO instead in /home/content/05/13955805/html/news/confolder/xiririye-front.php on line 7
Danan Broadcasting Network
HomeNewsArticlesProgramsSportsVideosAudio
Radio Danan Kala soco Warar sugan Soomaaliya iyo Caalamka. Danan Radio waa Warbaahin Xaqiiqda soo saarta
Ururka Ardeyda Somalida Uk oo si aada loogu soo dhaweyey Magalada Bristol
Uk Somali Student oo ah Urur arday oo isku taagay in Heer Jaamacadeed lagaarsiiyo Ardayda awoodiweyso Jaamacadaha iyo kuwa Dalkan ku dhaqan oo ay ku adag tahay waxbarashada iskuulka loogu soo dhigo oo ay ka caawinayaan si lacag la`aana si uusan Ardayga uga harin waxbarashada uu tiigsanaayo
Date: 2010-11-14 13:41:55
EmailPrintShareFeedback
Kulan Shalay ka dhacay Magalada Bristol ee Dalkan ingiriiska oo ay ku nool yihiin somali kor udhaafeysa in ka badan Labaatan kun ayaa noqday mid xiisa gaara u yeeshay waxgaradkii iyo ardaydii ka qeyb gashay, iyadoo ay soo bandhigeen warbixin aad loogu bogay kuna dhisan somalinimo sal fog leh urur lagu Magacaabo UkSomaliStudent oo ah Urur arday oo isku taagay in Heer Jaamacadeed lagaarsiiyo  Ardayda awoodiweyso Jaamacadaha iyo kuwa Dalkan ku dhaqan oo ay ku adag tahay waxbarashada iskuulka loogu soo dhigo oo ay ka caawinayaan si lacag la`aana si uusan Ardayga uga harin waxbarashada uu tiigsanaayo.

Xubnaha soo gaaray Magalada Briistol oo ay hor kaceysay Gudoomiyaha Ururka ardayda Somalida uk Ardayed Raxma Xasan Ahmed ayaa madasha shirka oo ay fadhiyeen xubna aad umuhiima ka sheegay in ay hiigsanayaan in ay waxbarasho Jaamacadeed helaan Sanadka danbe ilaa Laba Boqol oo Arday oo ku kala nool dhamaan gobolada Soomaaliya kuwaas oo ah kuwa aan awoodin in ay iska bixiyaan Lacagta Jaamacada, waxeyna sheegtay in ay arinkaa kala heshiiyeen Toban jaamacadood  oo waaweyn kuwaas oo ay usii  marin doonaan Deeqdan waxeyna sii raacaysay in ay hirgalinta arinkaa uwada taalo dhamaan Somalida ku dhaqan Uk si bay tiri aan unoqo bulsho aqoon ka dhisan.

Ururka Ardayda somalida ee ka dhisan UK

Warda Omar yusuf oo kamida Ururka Ardayda somalida uk ee booqasha ku yimid Magalada Bristol ayaa iyadu ka dhawaajisay  in la isaga baahan yahay  in dareen isku mida la wada yeesho lanarabo in loo wada gurmado Dhalinyaradan Soomaaliyeed iyadoo sheegtay in Fikirkan ay rabaan in uu Mira dhalo Dadka ka Mira dhalin karana ay yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan uk yar iyo weyn si aan uhelno ayey tiri Bulsho Jahli ka Caafimaad qabta Dalkeenana uu noogu dago, waxey kaloo sheegtay in Dhalinyaradan wada howshan aysan Dalkii ku Garaadsan amaba ku Dhalan balse markay arkeen sida xaal yahay ay doorteen in aysan cidna u maqneyd iyagana ay iska bilaabaan in ay is abaabulaan taageerana ay ka raadiyaan Guud ahaan Jaaliyada Soomaalida ku dhaqan UK waana faaiido aan dhamaanteen durbo dareemi doono hadaan fulino Insha`allah ayey tiri.


Ururkan ayaa ah mid dhalinyarada ka midka ah aad ku xusuusaneyso sida ay u hadlayeen iyo dhaqankooda dhalintii SYL  oo qaar badan oo inaga mida aysan suureysan karin in ay arkaan kuwaa oo kale  sida ardaygan Da`ada yar ee magaciisu yahay Awoow Xamsa  kanamida Hogaanka Ururka oo isagu tiriyey gabay uu isagu  Alifay  kuna  sheegay gabaygiisa  in ay ka weynaadeen Qabyaalada waxna ka galin Reereysi balse ay ujiheysanyihiin Soomaalinimo Islaamnimo iyo in ay bad baadiyaan Bahda gabeysa waxbarashada ee noqonlahaa ubaxa bari hadii aan uwada gurmano suuragalinana in ay Jaamacad helaan Wiilashena iyo walaalaheena, gabaygan oo aad loogu sacatumay ayaa noqday mid soo jiitay Gudigii Magalada ee la fariistay Ururka Uksomalistudent oo isagu wata Suugaantiisa madama ay somalidu suugaantu ay oga mid tahay wax yaabaha ay ku fahmaan tusaalooyinka

Xubno ka mid ah Ururka ardayda Somalida ee UK


Waxaa sidoo kale ka hadlay shirkan xubna aanan halkan magacyadooda kusoo koobi karin oo isugu jira Rag iyo Dumar kuwaa oo soo jeediyey talooyin wax ku ool u ah gaarida yoolkan waxaana la`siiyey talooyin badan Ardayda u istaagtay in ay Arday kale oo aan awoodin waxbrasho jaamacaded u helaan waxey ku baran lahaayeen, Jamiila oo u qaabilsan dhanka haweenka Jaaliyada Somalida Bristol ayaa dhankeeda balan qaaday in ay u istaagayaan ka jaaliyad ahaan howshan sidii ay Magalada Bristol uga geysan laheyd gacan lama ilaawaana, waxaana arintan noqoneysaa talaabo yididiila leh  loona aayi doono hadey garab istaagaan dhamaan umada Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan hadey ahaan laheyd ganacsato siiba Shirkadaha Xawaaladaha iyo Dadweynaheena  kaasoo ka geysan kara hirgalinta barnaamijkan hadba inta tabartiisu tahay si loo heln 2011 Bisha May Laba boqol oo arday oo aada Jaamacad kuwaa oo ku kala nool Kismaayo.Hargeysa.Muqdisho.Boosaaso.Galkacyo.Boorama.iyo Sanaag.


Gunaanadka Kulankii hordhaca ahaa Masuuliyiintii iyo waxgaradkii madasha fadhiyey  ayaa si wada jira aad loogu Duceeyey in Ilaahey ku guuleeyo howshan ay uguntadeen Dhalinyaradan waxaana la isla gartay in la abaabulo kulan weyn oo loogu Uruurinayo Qaaraankii ay wax ku baran lahaayeen Ardayda gaareysa Labada Boqol noqotana Bristol Magaalada ugu tayada wanaagsan ee bixisa qeyb muhiima maadama ay dagan yihiin Somali wax badan ka nadiifa iyado Casho sharaf loogu sameeyey mid kamida Maqaayadaha Magalada ugu tayada wanaagsan waxaana lagu anbabixiyey Gudoonkii ardayda Farxad iyo in aysan ka daalin wacyigalinta Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka ku yaal Uk iyo wadamada kale ee Galbeedkan kuna dhaqan yihiin Somalida usoo hayaantay  si ay uwada noqdaan dhamaan  kuwa  uwada Guntada gaarista  Halka ay nagu Hogaaminayaan Ururuka Ardayda Somalida Uk kaasoo ah in ay waxbarasho Jaamacaded u dareeraan Sanadka danbe Laba Boqol oo Arday Soomaaliyeed.

Acoun-ka Dahabshiil waa HRGD17433 ama booqo www.uksomalistudent.com

Source: Danan News Network