Qaraxyo Iyo Toogasho Xalay ka Dhacday Gudaha Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari ee Kiinya.by
In kastoo maanta kulan saacado badan soconayay uu ka dhacay Xarunta Barlamanka Maamulka Gal Mudug State ee Magaalada Gaalkacyo ayaa hadana Gunaanadkii Kulankaas waxa uu Barlamanku Cod Buuxa Ku ansixiyay in Madaxweynihii hore ee maamulkaas Gal Mudug maxamed Axmed caalin Xilka laga qaado.
Barlamanka oo ay goob joog ahaayeen Todoba iyo Toban Xildhibaan ayaa waxaa ay isku raceen in Madaxweyne Caalin Xilka Madaxweyninimada maamulka gal Mudug laga qaado.
Af hayeenka Barlamanka Xasan Maxamed heel ayaa gunaanadkii Kulanka halkaa ka akhriyay Natiijada Fadhigii Barlamanka Gal Mudug uu maanta ka gaaray Mooshinkii uu ka doodayay ee ahaa sidii xilka looga qaadi lahaa Madaxweyne Caalin.
Af hayeenka ayaa sheegey in Xubnihii barlamanka ee maanta kulanka goob joogga ka ahaa in ay ansixiyeen go’aanka ah in xilka laga qaado Madaxweynihii Maamulkaas Caalin oo Cod far taag ah lagu ansixiyay go’aankaas.
Shirka goobta uu ka dhacayay oo ay ilaalo xooggan ka hayeen Ciidamo ka tirsan Maamulka gal mudug ayaa xiritaankii Barlamanka kaddib halkaa ka tegay iyagoona sugay ammaankii goobta uu shirku ka dhacayay oo ahayd xarunta Barlamanka Maamulka Gal Mudug State.
Beryihii u danbeeyayba waxaa jiray Khilaaf soo jiitamayay oo u dhaxeeyay madaxweyne Caalin iyo Golihiisa Xukuumadda iyadoona si gaar ah madaxweynaha loogu eedeeyay inuusan xilkiisa u gudan sidii loogu aaminay taasoo keentay in Maantana Golaha wakiilada ay arrintiisa u fariistaan kana qaadaan xilkii madaxweynanimo.
si kastaba Madax weeyne Caalin oo isaguna xil ka qaadistaas kaddib War Baahinta Caalamka la hadlay ayaa sheegey in kulankii maanta uu ahaa mid sharci dara ah isla marakaana ay wateen dad gaar ah isagana ayan xilka ka qaadi karin halkaasoo Mushkilad kale ay ka soo muuqato.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Barlamnaka Oo Shirkii Shalay Xubno Barlanka ka Tirsan ay ku Yeesheen Muqdisha Fowdo ku Tilmaamay
Diyaaraddii Uu Horeysey Oo Hay’adda WFP Shixnad ay Ku Siddo Oo Xilli Dhow Ka Soo Degatay Garoonka Diyaradaha Magaalada Muqdisho.