Qaraxyo Iyo Toogasho Xalay ka Dhacday Gudaha Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari ee Kiinya.by
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in shalay gelinkii danbe duqeyn dhinaca Cirka ah in lagu qaaday degaanka Hoosiinggoo ee Gobilka Jubada Hoose.
Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Kiinya ayaa la sheegey in Weerar dhinaca Cirka ah ay ku qaadeen degaankaas iyagoona halkaa dhowr Madfac ku dhuftay.
Weeraraka diyaradahan oo ahaa nooca loo yaqaano Miigga ayaa ahaa mid illaa laba goor oo kala duwan halkaa ay ku soo qaadeen.
Weerarkan Diyaaradaha dagaalka ee Kiinya ay ku soo qaadeen degaankaas ayaa sida la sheegey wuxuu ahaa mid dhaliyay Argagax xoog leh oo keenay in gebi ahaanba dadkii ku dhaqnaa Tuuladaas in ay halkaa ka cararaan.
Mid ka mid ah Goob joogayaashii halkaa ku sugnaa oo Saxaafadda u waramay ayaa sheegey inuusan garan karin wax khasaare ah oo ay duqeyntaasi gaystay keliyana isagoo xaqiijiyay in garaacistu ka dhcday bartamaha magaalada.
“Markii aan maqalnay Guuxa diyaaradaha ayaanu mar qura yaacnay beegsanayna Jihadii naga horeysey” ayuu yiri goob joogahan oo sheegey in Xalay ay ku Baryeen Ayda ama Duurka.
Goob joogaha oo xiliga uu hadlay sheegey inuu ku sugan yahay Hawdka Degaankaas isla markaana uu waagu xiligaas u baryayo ayaa intaa raaciyay in dadkii ay kala anbadeen isla markaana aysan jirin labo meel isku sheegta.
Goob joogaha ayaa xusay in ay bilaabayaan bal in ay dadkii dib isula baadi goobaan maadaama Xalay baqdin aawadeed magaaladii looga soo cararay.
Goob joogahan ayaa sheegey in dadka badankood ay saseen isla markaana qajaftii ay maqlanaaba ay soo xasuusinayso Guuxii Diyaaradaha oo ahaa mid aan loo adkaysan karin iyo waxyaabihii ay Ridayeen oo Dadkii Jah wareer ku abuuray.
Si kastaba Xaaladda tuuladaas Hoosinggo ayaa saaka u muuqanaysa mid deggan walow ay haawanayso oo aysan jirn cid iminka halkaa ku sugna in kastoo dadku ayaa baqnaya ay iminka si tartiib tartiib ah u bilaabayaan in ay dib ugu soo noqdaan.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Barlamnaka Oo Shirkii Shalay Xubno Barlanka ka Tirsan ay ku Yeesheen Muqdisha Fowdo ku Tilmaamay
Diyaaraddii Uu Horeysey Oo Hay’adda WFP Shixnad ay Ku Siddo Oo Xilli Dhow Ka Soo Degatay Garoonka Diyaradaha Magaalada Muqdisho.