Qaraxyo Iyo Toogasho Xalay ka Dhacday Gudaha Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari ee Kiinya.by
Qaraxaas oo ka dhacay Goob Bar Kontorool ah oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka mid ah Milateriga Dalka Kiinya oo halkaa u fariista si ay Cashuur uga qaadaan Dadka isaga gudbaya labada Magaalo.
Qaraxaas ayaa sida la sheegay waxaa kudhimatay afar ka tirsan Ciidankii Milateriga Kiinyaanka ahaa ee bartaas ku sugnaa iyadoona isla goobtaasi ay ku dhaawacmeen Siddee ka tirsanaa Ciidamadaas.
Askartii halkaa ku dhaawacan tay ayaa dhaawacooda loola cararay Isbitaalada Magaalada Nayroobi halkaasoo iminka lagu dabiibayo.
Warku wuxuu intaa ku daray in Qaraxaas oo ahaa Nooca Miinada dhulka la geliyo uu subaxnimadii saaka uu halkaa ka qarxay xilli ciidanku ay halka aku sugnaayeen kana qaadayeen lacago Cashuur ah.
Qaraxaas kaddib ayaa Ciidamo halkaa la keenay waxaa ay bilaabeen hawl galo kuwaasoo la sheegey in ay qab qabteen illaa Todobaatan Soomaali ah oo halkaa ku dhawaa kuwaasoo Xabsiga loo taxabay.
Ciidamada ayaa weli sii wada hawshoodii iygaoona baadi goob ugu jira Ciddii ka danbeysey qaraxaas Saaka lal eegtay Ciidamada Kiinya oo halkaa saaka lagula beegsaday.
Xaaladda goobtas ayaa xiran iadoona dhaq dhaqaaqii iyo isu gudubkii Dadkii labada Magaalana uu hakad ku yimid.
Ma aha markii u horeeyay oo Qarax sidan oo kale ah lala beegsado Ciidamada Kiinya oo ku sugan gudaha Magaalada Mandheera.
Si kastaba Xaaladda ayaan iminka xasilooneyn iyadoona la arkayo dhaq dhaqaaq Fara badan oo Ciidamada Kiinyaanku halkaa ka wadaan iyagoona qab qabasho ku haya Soomaalida halkaa ku dhow.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Barlamnaka Oo Shirkii Shalay Xubno Barlanka ka Tirsan ay ku Yeesheen Muqdisha Fowdo ku Tilmaamay
Diyaaraddii Uu Horeysey Oo Hay’adda WFP Shixnad ay Ku Siddo Oo Xilli Dhow Ka Soo Degatay Garoonka Diyaradaha Magaalada Muqdisho.