Qaraxyo Iyo Toogasho Xalay ka Dhacday Gudaha Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari ee Kiinya.by
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in degaanka Yurkud oo ku yaala Xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ay maanta soo gaareen Ciidamo ka tirsan Itoobiya iyo kuwo Soomaali ah oo la socda.
Dadka degaanka oo aanu la xiriirnay ayaa inoo sheegey in ay arkayeen Gaadiidka Dagaalka oo ay taangiyada ku jiraan iyo Gaadiidka Ciidamada daabula ee Uuraalada loo yaqaano oo halkaa Ciidamo keenay.
Ciidamadan Itoobiyaanka oo la sheegey in ay si aad ah u hubaysan yihiin ayaa iminka wada dhaq dhaqaaqyo iyo isku fidin ay isku fidinayaan Daafaha Magaaladaas yurkud iyadoona la sheegey in ay isku diyaarinayaan Weerar ay ku qaadeen Fariisimada Ciidamada Xarakada Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Bakool.
Ciidamadan Soomaalida ayaa la sheegey in ay isugu jiraan Culumaa’uddiinka ahlu sunna iyo ciidamo kale oo kuwa dawladda ah kuwaasoo dhawaan tababaro ku soo qaatay Dalka Itoobiya.
Ciidamadan ayaa sidii horeyba marar badan loo sheegay waxa ay ku soo wajahan yihiin Gobolada Bay iyo Bakool oo ay iminka ka taliyaan Xarakada Shabaab.
Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolada Bakool iyo Bay oo iyagu iminka ka maqan goboladaas kuna sugan Gobolka Gedo kuwaasoo marar hore sheegey in waqti ay noqoaba ay ka qaadi doonaan shabaab degaanada ay ka taliso.
Wixii warar ah oo ku soo kordha Wararka Ciidamadaas Itoobiyaanka ah iyo kuwa Soomaalida ah ee la socda waxaanu idinkugu soo gudbin doonaa wararkayaga danbe.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Barlamnaka Oo Shirkii Shalay Xubno Barlanka ka Tirsan ay ku Yeesheen Muqdisha Fowdo ku Tilmaamay
Diyaaraddii Uu Horeysey Oo Hay’adda WFP Shixnad ay Ku Siddo Oo Xilli Dhow Ka Soo Degatay Garoonka Diyaradaha Magaalada Muqdisho.